Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay hadallada nacaybka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka sheego Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in hadalladaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Waxa uu sheegay in inkasta oo hadallada Trump ay ahaayeen kuwo aan dhiirri-gelin ahayn, haddana xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu weli yahay mid adag oo ku saleysan iskaashi rasmi ah, wada-hadal joogto ah iyo dan wadaag.
“Mareykanku waa dal weyn oo saaxiib nala ah. Waxaa jira wada-hadal socda, heshiisyo amni, dhaqaale iyo dadaallo la xiriira maalgashi Mareykan ah oo Soomaaliya ka socda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Mareykanku door muuqda ka qaato taageerada dagaalka lagula jiro argagixisada, dhismaha hay’adaha ammaanka, horumarinta dowlad-dhiska iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.
Wuxuu xusay in aysan jirin wax khatar ah oo Soomaaliya ka haysato Mareykanka, balse ay jiraan iskaashi iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeeya labada dal.
Isagoo ka hadlayay arrimaha Somaliland iyo doorka Israa’iil, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Mareykanku u ballanqaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inuusan aqoonsan doonin Somaliland, isla markaana uusan taageereynin tallaabooyinka ay Israa’iil ka waddo halkaas. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uusan la safnayn ficillada Israa’iil, isla markaana arrintaasi ay tahay tallaabo hal-dhinac ah oo Israa’iil ay qaaday.
“Mareykanku wuxuu nala xaqiijiyay in uusan aqoonsanayn Somaliland, sidoo kalena uusan taageeraynin wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si toos ah ula xiriirtay Mareykanka, isla markaana wada-hadalladaasi ay weli socdaan, iyadoo la ilaalinayo sida uu sheegay madaxweynuhu xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amni, dhaqaale iyo horumarineed.











