Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Xeerar, Heshiisyo Caalami Ah Kana Dooday Abaaraha Iyo Tahriibka

1

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka iyo saameynta ba’an ee ay ku yeesheen helitaanka biyaha iyo cuntada.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ka tarjumaya heerka abaarta, caqabadaha bini’aadantinimo ee ka dhashay, iyo qorsheyaasha degdegga ah ee ay Xukuumaddu damacsan tahay in ay wax kaga qabato xaaladda taagan.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah u ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha iyo Musiibooyinka, kaas oo dejinaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamku sababo, iyadoo ujeeddada guud ay tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo dowladda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo axdiyaal caalami ah oo muhiim u ah horumarinta hey’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan, kuwaas oo kala ah:

Heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga gaadiidka badda, Axdiga Shaqaalaha Badda (2006), Heshiiska Caalamiga ah ee Nairobi ee ka saarista burburka maraakiibta ee 2007 iyo Axdiga Caalamiga ah ee cabbirka culayska maraakiibta ee 1969.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka, taas oo lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee tahriibka iyo dhibaatooyinka halista ah ee uu ku hayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Warbixinta ayaa si gaar ah u iftiimisay khataraha naf iyo maalba leh ee ay wajahayaan dhallinyarada tahriibka u bareeraysa, oo ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faa’iidaysi bani’aadamnimo, kuwaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalkooda iyo horumarka guud ee dalka.