Barlamaanka Puntland oo taageeray joojinta waxka beddelka dastuurka Somalia

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaannada Puntland iyo isku dayga sharcidarra ah ee wax-ka-baddelka Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa warbixin looga dhegeystey guddiyo gaar ah ee Guddiga Joogtada ah u xilsaaray shaqooyinka kala duwan.

Warbixinnada guddiyadda kadib, Guddiga Joogtada ah waxay isla qaateen Qodobadan soo socda:

1. In guddiyada gaarka ah ee golahu u xilsaaray shaqooyinka kala duwan ay warbixinnadooda oo dhammaystiran ku soo gudbiyaan fadhiga dambe.

2. In warqad talo-soo-jeedin ah lala wadaago Xukuumadda Puntland, taasoo taabanaysa Amniga gudaha Puntland,Tayeynta hay’adaha dawladda, Arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda, Gurmadka abaaraha, Hannaanka xisbiyada badan, Iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya

3. Guddigu wuxuu isla qaatay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaato gurmadka abaaraha, iyadoo guddiga gaarka ah ee arrimaha abaaruhu si joogto ah ula soconayo xaaladda abaaraha, abaabulka gurmadka, iyo ka jawaabista saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada.

4. Guddiga joogtada ah wuxuu cambaaraynaya isku day kasta oo wax-ka-beddelka sharci-darradda ah lagu sameeyo ee Dastuurka KMG ah, kaasoo aan marna loo marin hannaanka sharci dejineedkii uu Dastuurku sheegayo, islamarkaana aan laga qayb gelin shacabka iyo golayaasha dowladda Puntland, sida ku cad Qodobada 132 iyo 137 ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

5. Annagoo wakiil ka ah shacabka Puntland waxaan caddaynaynaa in natiijo kasta oo ka soo baxda wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka KMG ee 2012, iyadoo aan Hay’adaha Puntland si buuxda uga qayb-qaadan si waafaqan Qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland, ay tahay mid waxba kama jiraan ah laguna dhaqikarin Puntland, islamarkaana aan yeelanayn samayn sharciyeed.

6. Waxaan bogaadinaynaa xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee ka horyimid isku dayga wax-ka-beddelka sharci-darrada ah ee Dastuurka KMG ah, kuwaasoo la kulmay caadaadis Amni iyo ka hor-istaag shaqadoodii Dastuuriga ahayd, taasoo muujinaysa khatarta ay ku jiraan hay’adihii Dawladda Federalka Soomaliyeed

7. Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka, iyo badbaadinta dalka, gaar ahaan ilaalinta Dastuurka heshiiska lagu yahay ee la ansixiyay sannadkii 2012.