Puntland oo xukun qisaas ah ku fulisay haweeney magaalada Gaalkacyo ku dishay gabadh 14 jir ah

2

Puntland ayaa saaka fulisay xukun qisaas ah oo lagu riday haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud, taas oo lagu helay dilka gabadh 14 jir ahayd oo la oran jiray Saabiiriin Saylaan Cabdille.

Hodan ayaa lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kaddib markii qoyska gabadha la dilay ay doorteen in caddaaladda shareecada Islaamka loo maro, iyagoo dalbaday in xukun qisaas ah la fuliyo.

Maxkamaddu waxay ku heshay Hodan inay tacaddiyo arxan-darro ah u geysan jirtay Saabiriin, oo ka shaqayn jirtay gurigeeda, taas oo ugu dambayn sababtay geerideeda. Muuqaallo ay laamaha amniga ka heleen taleefanka gacanta ee Hodan ayaa muujinayay falal tacaddiyo ah oo ka baxsan bani’aadantinimada, kuwaas oo loo geystay gabadha marxuumadda ah.

Puntland ayaa horay go’aan uga soo saartay gobolka Mudug in cid kasta oo geysata dil si toos ah loo marsiin doono shareecada Islaamka, tallaabadaas oo ujeeddadeedu tahay in la yareeyo dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Tani waa markii ugu horraysay oo xukun qisaas ah lagu fuliyo haweeney ku eedaysan dil, gudaha Puntland, muddo dhowr iyo toban sano ah.

Markii ugu dambeysay oo xukun dil ah laga fuliyo Puntland waxay ahayd sanadkii 2013, xilligaas oo 13 qof oo Alshabaab ah oo ay ku jirtay haweeney, kuwaas oo lagu fuliyay xukun di ah, kaddib markii lagu helay ka qaybqaadashada qorshaynta dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Puntland.