Diyaarado Wadey Ilaalada Deni iyo Axmed Madoobe oo Laga Celiyay Muqdisho

10

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarado siday ciidamo aad u hubeysan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Diyaaradaha waday ciidamadan ayaa la hakiyay xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo la faray in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo kaceen. Ciidamadan ayaa la filayay in ay suggaan amniga Madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo lagu wado in ay maalinta berri ah yimaadaan caasimadda.

Ciidamada la celiyay ayaa saakay si weyn uga soo muuqday baraha bulshada, iyagoo wata hub culus, taas oo dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la yaabay sababta loo keenayo ciidamo hubeysan, maadaama hoggaamiyeyaasha la filayo in ay degi doonaan gudaha Xerada Xalane, oo si gaar ah loo ilaaliyo, isla markaana ay amnigeeda mas’uul ka yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Illaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland oo si cad uga hadlay arrintan.