Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u qaadatay mas’uuliyadda raashinkii gargaarka ahaa ee laga qaaday bakhaarkii ay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ku lahayd magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan wixii bakhaarkaasi laga qaaday dib loogu celiyay WFP, sidoo kalena ay hay’adda siisay bakhaar ka weyn kana habboon kii hore, si loo hubiyo amniga iyo sii socoshada howlaha bani’aadannimo.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay inay ka xun tahay wixii dhacay, iyadoo ballanqaadday in la qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo in mar kale ay dhacaan arrimo la mid ah kuwaas.
Horaantii bishan, Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakisay gargaarkii ay siin jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku lug lahaayeen burburinta bakhaar ay lahayd WFP, isla markaana la dhacay 76 tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Dowladda Mareykanka ayaa xilligaas sheegtay in gargaarka dib loo bilaabi doono marka ay Dowladda Soomaaliya si buuxda u qaadato mas’uuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay saxdo khaladaadka dhacay.











