Uganda Oo Ku Dhawaaqday Inay Ciidamadeeda Kala Baxayso Soomaaliya

7

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ciidamadeeda uga baxeyso Soomaaliya, kadib ku dhowaad labaatan sano oo ay ka qeyb ka ahayd howlgalada nabad ilaalinta, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jen. Muhoozi, ayaa bartiisa X ku sheegay in howlgalka milatari ee Uganda ee Soomaaliya uu si rasmi ah u dhammaaday, isla markaana ay socdaan diyaargarowga ka bixitaan buuxa. “Kadib 19 sano oo aan ku sugneyn Soomaaliya, waxaan qorsheyneynaa inaan si buuxda uga baxno dalkaas waqti dhow,” ayuu yiri, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ama jadwal cad bixin.

Ciidamada Uganda ayaa ka mid ahaa kuwa ugu badan ee Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyaga oo door muhiim ah ka qaatay sugidda xarumaha muhiimka ah sida Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho. Tirada askarta Uganda ee Soomaaliya ku sugan ayaa lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 6,000.

Uganda waxay tan iyo 2007 ka mid ahayd tiirarka ugu waaweyn ee dadaallada nabad ilaalinta Soomaaliya, iyadoo ka qeyb qaadatay dib u riixidda Al-Shabaab iyo dhismaha hay’adaha ammaanka dalka.

Illaa hadda lama shaacin jadwal rasmi ah oo ku saabsan ka bixitaanka, mana jiraan warar ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama Midowga Afrika oo ku saabsan sida bixitaanka Uganda loo maareyn doono iyo saameynta uu ku yeelan doono howlgalka AUSSOM iyo amniga dalka, kaas oo weli nugul.

Ka bixitaanka Uganda ayaa imanaya xilli AUSSOM ay wajahayo caqabado dhaqaale oo sii kordhaya, iyadoo howlgalka la daalaa dhacayo miisaaniyad yari iyo ballanqaadyo dhaqaale oo xaddidan.