Madaxweynaha Israa’iil Oo Sheegay Inuu Davos Kula Kulmay Hoggaamiyaha Somaliland

0

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa sheegay in uu kulan kula yeeshay Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee Davos hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), halkaas oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dhinac.

Madaxweyne Herzog ayaa tilmaamay in kulankaasi uu qeyb ka ahaa wada-hadallo ku saabsan iskaashi iyo arrimo dan-wadaag ah, inkastoo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada kulanka.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa wada dadaallo uu ku doonayo in uu madaxda caalamka ee ka qeyb galaya shirka Davos uga dhaadhiciyo inay aqoonsadaan maamulka Somaliland, oo uu ku tilmaamay mid buuxinaya shuruudaha dowladnimo.

Arrintan ayaa wajahaysa diidmo xooggan oo ka imaanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo marar badan ku celisay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan la aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee dalka Switzerland uu ahaa mid aan horay loo shaacin, isla markaana si qarsoodi ah ku galay dalkaasi, iyada oo aan si rasmi ah loo ogeysiin hay’adaha caalamiga ah ee khuseeya.