Wasiirka Amniga Gudaha, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir muhiim ah oo lagu horumarinayay Wejiga Labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (JPP II), kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista Qorshaha Shaqo iyo Miisaaniyadda 2026-ka si loo xoojiyo hirgelinta barnaamijka.
Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Amniga Dowlad-Goboleedyada, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, iyo wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, EU, iyo UK, ayaa lagu falanqeeyay heerka hirgelinta JPP II, isku-duwidda howlaha federaal iyo dowlad-goboleed, casharradii laga bartay wajiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo adeegyada amniga ee bulshada.
Qorshaha Sanadeedka JPP II ee 2026-ka iyo miisaaniyaddiisa ayaa si rasmi ah loo ansixiyay, waxaana barnaamijku qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tayo leh, hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula shaqeeya bulshada.
Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta taageeradooda joogtada ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda barnaamijkan ee xoojinta hay’adaha amniga dalka.












