Isimada Beesha Daarood oo taageeray go’aanka Dowladda Federaalka ee burinta Heshiisyada Imaaraadka

0

Isimada dhaqanka beesha Daarood oo kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Laascaanood, ayaa taageeray go’aanka Dowladda Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta (UAE), oo lagu eedeeyay ku xadgudubka midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Baaqan ayaa ka soo baxay isimada dhaqanka oo isugu jira boqorro, isimmo, garaaddo, ugaasyo iyo beeldaajiyeyaal, kuwaas oo ka qeyb galay munaasabaddii caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Isimada ayaa sheegay in go’aanka Dowladda Federaalka uu yahay mid waafaqsan danta qaranka, islamarkaana lagama maarmaan u ah ilaalinta madax-bannaanida dalka, iyagoo Imaaraadka ku eedeeyay faragelin toos ah oo ay ku sameeyeen arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, amniga iyo wadajirka qaranka.

Waxay si gaar ah u cambaareeyeen doorka ay Imaaraadku ku leeyihiin taageeridda waxa ay ku tilmaameen “aqoonsi-beenaadka” Israel ee la xiriira gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland), iyagoo sheegay in arrintaasi tahay mid si toos ah uga hor imaanaysa dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana halis ku ah midnimada dalka.

Isimada Dhaqanka Beelweynta Daarood ayaa xusay in faragelinta Imaaraadka ay hurin karto kala-qaybsanaan siyaasadeed, amni darro, iyo xasillooni la’aan dhaqaale, taas oo ay sheegeen in ay sidoo kale fursad u abuureyso kooxaha argagixisada ah si ay uga faa’iideystaan qalalaasaha jira.

Baaqa ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay si wadajir ah u ilaaliyaan madax-bannaanida, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, iyagoo ka digay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee gudaha uu noqdo mid dhaawaca wadajirka ummadda.

Isimada ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedyada aan weli si cad uga hadlin midnimada dalka inay qaataan mowqif cad oo ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya.