Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa wajahaysa fadeexad ka dib markii diyaarad uu saarnaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay martay hawada Soomaaliya, iyadoona ku sii jeeday Garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv, Israel.
Diyaaradda nooca Hawker 800XP, oo leh diiwaanka T7-NKS una diiwaan gashan dalka San Marino, ayaa ka soo duushay Itoobiya, halkaas oo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay u oggolaatay in diyaaraddan ay isticmaasho hawada dalka.
Fadeexaddan ayaa ka dhalatay sabab la xiriirta in diyaaradaha noocan oo kale ah intooda badan ay dansadaan Rader-ka, taasoo ka dhigaysa in Hay’adda Duulista Rayidka aysan fursad u helin in ay la xiriirto diyaaradda si caadi ah. Marmarsiyadan ayaa soo ifbaxday xilli dhowaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel uu safar ku tagay Hargeysa, taasoo sii kordhisay xiisadda iyo su’aalaha ku saabsan habraacyada diyaaradaha ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira habraaca iyo shuruucda duulista rayidka, gaar ahaan marka diyaarado shisheeye oo xasaasi ah ay marto hawada Soomaaliya.











