DFS oo ka qeyb galaysa shir ka dhacaya Hindiya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Soomaaliya ayaa dhawaan safar rasmi ah ku tagi doona Jamhuuriyadda Hindiya, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaas, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.

Safarka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu ka qayb galayo shir heer sare ah oo u dhexeeya Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Carabta iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, kaas oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada New Delhi taariikhaha January 30–31. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo amni ee u dhexeeya Hindiya iyo dalalka Carabta.

Inta uu safarka ku jiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulammo gaar ah la yeesho mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Hindiya, kuwaas oo looga hadli doono taageerada Hindiya ee dib-u-dhiska Soomaaliya, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Hindiya ayaa dhawaan mar kale muujisay taageeradeeda buuxda ee madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid xoojinaysa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Safarkan ayaa la rumeysan yahay inuu fure u noqon doono ballaarinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib-u-soo-kabasho, nabadeyn iyo horumar waara.