Maraykanka oo sheegay in kaalmada u harsan Soomaaliya la joojin doono bisha May ee sanadkan

3

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shaacisay in bisha May ee sanadkan ay si rasmi ah u joojin doonto dhammaan kaalmada harsan ee ay siiso Soomaaliya, kaddib muran ka dhashay masiirka raashin gargaar ah oo Mareykanku bixiyay.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii horraantii bishan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inay la baxeen raashin gargaar ah oo ku jiray bakhaar ay lahayd Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), kaas oo lagu kaydin jiray raashinka gargaarka degdeg ah, isla markaana lagu dhisay taageero caalami ah.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin Mareykan ah, tallaabadan oo la fuliyay amar Madaxweyne, isla markaana aan lala socodsiin dalalka deeq-bixiyeyaasha, ayaa la rumeysan yahay inay sababtay lunsashada ilaa 76 tan mitrik ah oo raashin gargaar Mareykan ah, oo loogu talagalay dadka nugul.

Sidoo kale, in ka badan 1,600 tan mitrik ah oo raashin gargaar ah ayaa saameyn ku yeeshay arrintaas, kaddib markii lagu qasbay in laga raro goobtii hore looguna wareejiyo meelo kale.

Arrintan awgeed, Washington ayaa horay u hakisay dhammaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee si toos ah uga faa’iideynayay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dib u bilaabista kaalmada lagu xidhay in dowladda Soomaaliya ay aqbasho mas’uuliyadda iyo magdhow bixinta raashinka lumay.

7-dii Janaayo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay hakinta dhammaan barnaamijyada taageerada ee la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka digtay in maalgelinta aan dib loo billaabi doonin ilaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay aqbalaan mas’uuliyadda falka ay Washington ku tilmaantay “mid aan la aqbali karin”.

Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka oo si qarsoodi ah ula hadlay wargeyska The Daily Wire ayaa sheegay in hakintaasi la filayo inay noqoto mid joogto ah, isla markaana dhammaan kaalmada harsan ee Mareykanka si rasmi ah loo joojin doono marka la gaaro bisha May ee sanadkan.