Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaas oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay mahadnaq iyo qaddarin qaran oo ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u hayaan Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jabuuti, isaga oo si gaar ah u xusay garab-istaagga joogtada ah ee ay Jabuuti la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee difaaca madax-bannaanida, midnimada dalka, iyo dadaallada la xiriira nabad-dhiska, dowlad-dhiska iyo horumarka.
Dhankooda, mas’uuliyiinta wafdiga Dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay gaareen, iyo dadaallada lagu ilaalinayo gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale markale adkeeyeen mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wafdiga Dowladda Jabuuti ee booqday Laasacaanood ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.











