Safiirrada dalalka Sucuudiga, Turkiga iyo Suudaan ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kaga qayb galayaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Imaanshaha safiirrada dalalkan iyo wufuud kale oo ka socota saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa muujinaya taageerada diblumaasiyadeed ee loo hayo hanaanka siyaasadeed ee ka socda deegaannada Waqooyi Bari, iyo dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, nabadda iyo xasilloonida.
Dalalka ay ka socdaan danjirayaashan ayaa kamid ah kuwa si cad uga horyimid tallaabada Israaiil ku aqoonsatay Somaliland, waxaana booqashadooda Laascaanood loo arkaa fariin muujinaysa garab istaagga midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo kamid ahaa wafdiga gaaray Laascaanood, ayaa mar kale adkeeyay mowqifka Turkiga ee ku aaddan taageerada midnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkiisu ka shaqeynayo xoojinta nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka guud ee dalka.
Soomaaliya ayaa heshay taageero ballaaran oo diblumaasiyadeed kaddib tallaabadii Israaiil ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay haatan ku sugan yihiin qeybo kamid ah dhulka ay Somaliland sheegato ee gobolka Sool.
Munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galaya madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, isimada dhaqanka, iyo marti ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.











