Fiqi oo Laascaanood ka shaaciyay qorshe ku Saabsan Maamul loo dhisayo Awdal

1

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa waddo qorshe cusub oo la xiriira dhismaha maamul gaar ah oo loo sameeyo gobollada ay deggan yihiin dadka reer Awdal, sida uu shaaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Fiqi oo ku sugan Magaalada Laascaanood.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid cadaadis siyaasadeed lagu saarayo maamulka Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay taageerto rabitaanka bulshada deegaannadaas, islamarkaana ay ka jawaabto cabashooyinka ay ka muujiyeen sida uu sheegay “xaaladda siyaasadeed iyo matalaadda ay ka helaan Somaliland”.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahan uusan ahayn mid colaad hurinaya, balse uu yahay “xal siyaasadeed oo lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya iyo xaqa ay bulshooyinka deegaannadu u leeyihiin is-maamul iyo ka-tashiga mustaqbalkooda”.

Dhankiisa, Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlin hadalka Wasiirka Gaashaandhigga, balse tallaabadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Hargeysa iyo Muqdisho.