Warar dheeri ah ayaa laga helayaa diyaarad la sheegay inay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka qaaday Caydaruus Al-Zubaydi, hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), xilli uu baxsad ka ahaa Yemen.
Shirkadda One Complete Service oo uu leeyahay shaqsi lagu magacaabo Yoonis ayaa sida la sheegay u qaabilsan Dowladda Imaaraadka Carabta xamuulka laga soo dejiyo garoonka Muqdisho iyo goobo kale.
Diyaaradaha Imaaraadka ka yimaada sida Airbus 300F, IL- 76D, Boeing 737-400 Fanjet waxaa si toos xamuulka ay sidaan uga soo dajiya shaqaale gaar ah oo shirkaddan ay wadato, iyadoona aan la oggoleyn shaqaale kale maalinta ay shaqada leeyihiin.
Yoonis ayaa dhowaan Garoonka Muqdisho ka duuliyay hoggaamiyihii golaha STC Caydaruus Al-Zubaydi kaasi oo baxsad ahaa, isaga oo adeegsanaya Boeing 737-400, waana arrinta keentay isku dhaca Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Mararka qaarkood, wuxuu Yoonis dalka soo geliyaan sida la tilmaamay xamuul uu isaga si gaar ah u wato, balse uu ku shaabadeeyo in ay leedahay Saafaradda Imaaraadka Carabta.
Waxaa qeybta hubinta shaqaalaha iyo baasboorada u qaabilsan shaqsi lagu magacaabo Karaama, kaasi oo si dhow ula shaqeeya Yoonis.











