Masar oo ballaarisay qorshaheeda militeri ee Dalka Soomaaliya

0

Dowladda Masar ayaa wax ka bedeshay istaraatiijiyadeeda milatari ee gudaha Soomaaliya, ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland bishii hore, taasoo Madaxweyne Al-Siisi ay u arko khatar weyn oo ku wajahan amniga qaranka dalkiisa iyo marin-biyoodka Badda Cas.

Masar ayaa ka cabsi qabta in saameynta Israa’iil ee Somaliland ay horseeddo isbahaysi cusub oo ay qeyb ka tahay Itoobiya la dhiso, si ay u maamulaan badda cas iyo gacanka cadan. Khubarada milatariga ayaa aaminsan in tallaabadan looga gol-leeyahay in lagu go’doomiyo Masar, laguna curyaamiyo Bab Al-Mandeb, kaas oo xiriiriya ganacsiga caalamiga ah ee u socda kanaalka Suways ee Masar ku yaalla.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga Israa’iil, ayadoo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida dalka. Waxay sidoo kale horey uga hortagtay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya fursad u siinayay inay saldhig ciidan iyo deked ka hesho badda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka amniga ah, ciidamada Masar ayaa dhawaan usoo diraysa Soomaaliya ilaa 10,000 oo askari. Ciidankan ayaa isugu jira kuwa la-talin bixiya iyo unugyo ka qayb qaadan doona sugidda amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo Masar ay qorsheynayso inay qayb ka noqoto howlgalka cusub ee Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa xaqiijiyay in Qaahira ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Masar waxay sheegtay inay gabi ahaanba diiddan tahay isku day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.