Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Somaliland, Puntland iyo Jubbaland aysan xaq u lahayn in ay Imaaraatka ku hayaan degaanada ay maamulaan, isla markaana go’aanka dowladda looga baahan yahay in si buuxda looga dhaqan galiyo magaalooyinka Boosaaso, Berbera, iyo Kismaayo.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid waajib ah oo ay tahay in si buuxda loo fuliyo, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax tashi ah oo lagala sameynayo arrinta, maadaama lala tacaamulayo dal caalami ah.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in Somaliland, Puntland iyo Jubbaland yihiin kuwo dhaqaale iyo siyaasad ahaan u janjeera Imaaraatka.
Cumar Cali Cabdi ayaa sidoo kale caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeyneyso Sacuudiga iyo dalal kale oo ka caawin kara dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo xusay in wax kasta oo Imaaraatku qaban jireen ay hadda dowladda ka kaaftoontay, islamarkaana ay Soomaaliya isku filan tahay hawlaheeda amni.
Su’aal laga weydiiyay waxa laga yeelayo xarunta General Gordan, oo ahayd xarun uu Imaaraatku ciidamada Soomaalida ku tababari jiray, iyo in magaca xaruntaas laga beddeli doono kadib dilkii sarkaal Imarati ah oo halkaas lagu dilay, Wasiirku wuxuu sheegay in go’aanka ugu dambeeya uu ka imaan doono madaxda dowladda federaalka.
Go’aankan ayaa imaanaya kadib markii ay Xukuumadda ay soo saartay goaano lagu laalay dhammaan heshiisyadii Dowladda Imaaratka ay kula jirtay kaa oo ay ka hor yimaadeen Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Somaliland maadama heshiisyo ganacsi iyo mid amni ay kula jiraan Dowladda Imaaraatka ay saameyneyso dekadaha Kismaayo, Boosaso iyo Berbera.











