Soomaaliya oo ku eedaysay Imaaraatka inay si qarsoodi ah u soo gelisay hogaamiye gooni u goosad Yemeni ah hawada Soomaaliya

4

Wasiiru Dowlaha wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cabdulle (Cali Balcad), ayaa ku eedeeyay Imaaraatka Carabta (UAE) inay si khaldan u adeegsadeen hawada Soomaaliya si qarsoodi ahna loo soo geliyay hogaamiye gooni u goosad Yemeni ah, oo lagu magacaabo Aidarous al-Zubaidi, oo ka tirsan Golaha Kumeelgaarka Koonfureed ee Yemen.

Wasiir Cali Balcad oo la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in dhacdadan ay ahayd midii Dowladda Soomaaliya ku riixday inay joojiso dhammaan heshiisyada ay la leedahay Abu Dhabi.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Dowladda Soomaaliya ay aaminsantahay in Aidarous, oo ah shaqsi sare oo ka tirsan Golaha Kumeelgaarka Koonfureed, si qarsoodi ah loogu soo duulay gudaha Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo diyaarad xamuul oo u diiwaan gashan Imaaratka, isla markaana aan ku jirin liiska rasmiga ah ee diyaaradaha rakaabka.

“Adeegsiga hawada iyo garoomada Soomaaliya si loo soo geliyo qof magan-galya doon ah ma aha wax ay Soomaaliya oggoshahay” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad, isagoo intaa ku daray in diyaaraddu la sheegay inay kasoo duushay Berbera kana soo degtay Muqdisho ka hor inta aysan u sii duulin Dubai.

Wasiirku wuxuu sheegay in baaritaano soconayaan, balse dowladda ay horey u haysatay “macluumaad ku filan” oo ku saabsan ninkaan baxsadka ah.

“Waxaan isku daynay in arrintan lagu xalliyo siyaasad ahaan, laakiin siyaasadda ma shaqayn. Hadda dastuurka ayaa shaqeynaya.” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Afhayeenka rasmiga ah ee Ciidamada Isbahaysiga Carabta ee taageera dowladda Yemen, Sarreeye Guuto Turki Al-Maaliki, ayaa isbuucii hore shaaca ka qaaday in Aidarous al-Zubaidi uu xilli habeen ah uu si qarsoodi ah uga baxay magaalada Cadan, isaga iyo shaqsiyaad kale, iyagoo badda kaga baxay dekedda Cadan kadibka soo gaaray Dekedda Berbera.

Al-Maaliki ayaa sheegay in kooxda baxsatay ay demiyeen nidaamka aqoonsiga maraakiibta (AIS), isla markaana ay gaareen Dekedda Berbera halkaasina ay diyaarad gaar ah oo Imaaratka leeyahay ay kasoo qaaday iyadoo soo martay muddo hal saacna ku sugneyd garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.