Magaalada Muqdisho ayaa markale waxaa ka dhacay dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday aqoonsiga ay Israa’iil siisay Maamulka Somaliland, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen haween Soomaaliyeed, kuna muujiyay dareenkooda ku aaddan go’aanka Netanyahu ee maamulka Somaliland.
Boqolaal haween ah oo ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee Muqdisho ayaa si cad uga dhawaajiyay inay aanay marna aqbali doonin qorshaha Israa’iil ee ku saabsan qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, iyagoo fariin caro xanbaarsan u direy madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyagoo ugu baaqay in tallaabadaas laga noqdo.
Go’aanka Israa’iil ee ah inay aqoonsato Somaliland sida dowlad madax-bannaan ayaa dhacay 26-kii December, taas oo keentay jawaab adag oo ka timid dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dalka, iyadoona cadeysay in aysan aqbali doonin faragelin caalami ah oo lagu sameeyo dhulkeeda.
Dibadbaxyada Muqdisho ayaa muujinaya sida ay shacabka, gaar ahaan haweenka, uga soo horjeedaan aqoonsiga Israa’iil iyo Arrinteeda ku aadan Somaliland, iyagoo ku adkeystay in midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay arrin aan laga gorgortami karin.











