Xukuumada Somaliland ayaa u jawaabtay dowladaha kasoo horjeeda aqoonsigeeda, ayaa sheegtay in aqoonsigeedu aanu dhibaato ku ahayn gobolka, balse uu horseedi doono horumar.
Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, oo la hadlayay waddamada khatarta istiraatejiyadeed u arka aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in aqoonsigeeda uu Gobolka u horseedayo is dhexgal, wada noolaansho, Horumar dhaqaale, iyo amniga badda oo si la sugo.
“Turkigu waa waddankii kowaad ee dunida aqoonsada jiritaanka Israa’iil 1948, ilaa maanta marxalad kasta, iyo dagaalkasta oo Bariga Dhexe ka dhaca Turkigu iskadaa in uu gooyo xidhiidhka Israa’iil eh hoos uma dhigin, maanta marka Turkish diin inooma sheegi karo, taariikh inooma sheegi karo, dhaqan kalena inooma sheegi karo” ayuu yidhi Wasiir Khadar.
Waxa uu sheegay in waddamo badan oo Carbeed ay xidhiidh toos ah la leeyihiin Israa’iil, Somaliland-na anay kuwaa ka duwanayn, inta wuxuu ku daray in xukuumada Somaliland loo wakiishay in ay aduunka oo dhan aqoonsi ka keento, isla markaana ay aqbalayaan waddankasta oo aqoonsada.
“Xidhiidhada aanu leenahay macnahoodu maaha in aanu cid ku dhibaataynayno, macnahoodu maaha in aanu cid ku fogaynayno, macnahoodu maaha in aanu cid xumaan ugu qaadayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.
Qaar badan oo dowladaha gobolka iyo caalamka ah ayaa garab istaagay Soomaaliya iyaga oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Somaliland, hadaba dowladahaa waxa ugu horeeya Turkiga oo saaxiib dhaw la ah Muqdisho, isla markaana dano istiraatejiyadeed iyo dhaqaale ka leh Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in goobta ay Somaliland ku taallo ay muhiim u tahay maamulka marinada biyaha ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana anay ku faraxsanayn in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu sii socdo.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa dhawaan sheegay in waddamada bariga dhexe ay jeclaan lahaayeen in ay iyagu yimaadaan Berbera, oo Israa’iil ay ka maqnaato, lakiin taasi ay dhici wayday.











