Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa qabtay kalfadhigii 22aad ee degdegga ahaa si looga doodo go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay “Somaliland” oo ay ugu yeertay dal madax-bannaa.
Shirka oo ka dhacay xarunta OIC ee Jeddah, Sacuudi Carabiya, ayna ka qeyb galeen wasiirrada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Israa’iil uu yahay jebin cad oo sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
OIC waxay ku adkaysay in go’aankan uu dhaawacayo midnimada, madaxbannaanida, iyo xuduudaha la aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliiland tallaabo sharci daro ah oo halis ku ah amniga gobolka iyo weerar toos ah oo lagu hayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Pakistan ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay tahay “weerar siyaasadeed” oo ka dhan ah qiyamka caalamiga ah. Sacuudi Carabiya ayaa ku baaqday in diin ahaan loogu midoobo diidmada aqoonsiga Somaliland iyo in laga hortago dhammaan tallaabooyinka lagu jabi karo midnimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu ansixiyey qaraaro ay ka mid yihiin canbaarayn buuxda oo lagu sameeyey go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland, taageero buuxda oo loo muujiyey madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo dib u xaqiijin in nabad waarta ee Bariga Dhexe ay ku xirnaan doonto in Israa’iil ay ka baxdo dhulalka Falastiin.











