Shiinaha oo Caddeeyay Sababta keentay dib u dhaca Booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda ku imaan lahaa Muqdisho

15

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u faahfaahisay sababta dib-u-dhaca ku yimid booqashadii la qorsheeyay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, oo lagu waday inuu 9-ka Janaayo soo booqdo magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa sheegay in go’aanka dib-u-dhigista booqashada uu ka dhashay isbeddel ku yimid jadwalka safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda, kadib wadatashi saaxiibtinimo oo dhex maray wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in dowladda Shiinaha ay wax ka beddeshay jadwalka safarka Wang Yi, isla markaana labada dhinac ay hadda ka wada hadlayaan waqti cusub oo booqashada la qaban doono.

Safaaradda Shiinaha ayaa hoosta ka xariiqday in dib-u-dhigistaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka u dhexeeya labada dal.

Waxay carrabka ku adkaysay in Beijing ay muhiimad gaar ah siiso iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda u taageerto dadaallada dowladda Soomaaliyeed ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Sidoo kale Shiinaha ayaa muujiyay diyaar u ahaanshihiisa ah inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee uu la leeyahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid waqti dheer ku dhisan oo ku saleysan ixtiraam iyo dan wadaag.

War-saxaafadeedkan ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar ay tabiyeen warar sheegaya in xaalad amni darteed uu wasiirka uga baaqsaday inuu yimaado Muqdisho, taasoo keentay in Safaaradda Shiinaha ay bixiso caddeyn rasmi ah.