Turkiga oo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaamay nasiib darada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland

3

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Turkiga Hakan Fidan oo si adag uga aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa ku tilmaamay nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland.

Wasiir Hakan Fidan ayaa sheegay in Israa’iil ay dano gaar ah ka leedahay Somaliland, isagoona xusay in Israa’iil ay doonayso inay colaadda Bariga dhexe u soo rarto Geeska Afrika.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland arinta waxay noqon karta musiibo weyn ta oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah, Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga in Somaliland ay haysato fursad ay dib uga laaban karto la tacaamulka Israa’iil, maadaama dunida inteeda kale ay dhinac uga soo hor jeesatay wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay go’aanka Netanyahu.

“Somaliland qof aan Israa’iil ahayn ma aqoonsano, qudheedu waxa ay ka leedahay dano gaar ah, waxay rabtaa inay u adeegsato colaadda gaar ahaan siyaasadda gobolka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Turkiga ay safka hore uga jirto dalalka diidan xadgudubka Israa’iil ay ku samaysay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay inuu aqoonsaday Somaliland u aqoonsaday dal ka madaxbanaan ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.