Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay isticmaal aan la oggolayn oo lagu sameeyay hawada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha dalka.
Hay’addu waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha kale ee qaranka ee arrintan quseyso, isla markaana ay billowday baaritaan degdeg ah oo lagu xaqiijinayo sax ahaanshaha warbixinno soo baxay oo tilmaamaya in lagu xadgudbay hawada dalka iyo shuruucda socdaalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in haddii la xaqiijiyo eedeymahaasi, ay noqon doonaan jebin cad oo ka dhan ah sharciga iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa intaas ku dartay inay shacabka la wadaagi doonto natiijada baaritaanka marka uu dhammaado.











