Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo ka horyimid qorshaha Isra’iil ee Somaliland

5

Goluhu wuxuu si adag uga horyimid isla markaana cambeereeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” oo qeyb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dal madax-bannaan, taas oo halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goluhu waxa uu si adag u cambaareynaya go’aankaas qaldan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo.

Goluhu waxa uu mar kale xaqiijinaya sida ay uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4 (e) iyo (i) ee Heshiiska Golaha Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale qodobada khuseeya ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Goluhu waxa uu soo dhoweynayaa bayaanka uu soo saaray Mudane Mahmoud Ali Youssouf, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, taariikhdiisuna ahayd 26 Diseembar 2025, kaas oo diidaya tallaabo kasta ama qorshe kasta oo lagu aqoonsanayo waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) inuu yahay dal madax-bannaan, arrintaas oo khilaafsan mabda’a aasaasiga ah

ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo sidoo kale wiiqaysa himilada Afrika mideysan, barwaaqo ah, oo nabdoon sida ku cad Ajandaha 2063.

Goluhu waxa uu caddaynayaa in aysan jirin cid xaq u leh ama awood u leh inay beddesho xuduudaha dhuleed ee dal xubinta ka ah Midowga Afrika, isla markaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid sharci darro ah, waxba kama jiraan ah, oo aan wax saamayn ah lahayn.

Goluhu waxa uu mar kale xasuusinayaa in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha xoog ama si sharci darro ah uu yahay mid ka hor imanaya Axdiga Midowga Afrika, isla markaana abuuri kara tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelan kara nabadda, amniga, iyo xasilloonida Afrika.

Golaha Nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika waxa uu ogeysiisanaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay carqaladeynayaan dadaallada amniga ee wadajirka ah iyo mabaadi’da la isla gartay ee Midowga Afrika.