Itoobiya raadin way ka gudubtay, waxay u gudubtay hirgelinta qorshaha marin badeedka: Wasiirka Arrimaha Dibadda

5

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timotheos, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka gudubtay raadinta helitaanka marin badeed, islamarkaana hadda ay diiradda saarayso sidii loo hirgelin lahaa qorshahan si rasmi ah.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kalfadhigii 6-aad ee joogtada ahaa ee Golaha Wakiilada Dadka ee Itoobiya 30-ka December 2025, isagoo ka jawaabayay su’aalo ka yimid xildhibaanada ku saabsan hamiga badeed ee dalka iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira.

Gedion ayaa sharraxay in raadinta marin badeed ay tahay “arrin qaran oo jiilal ka gudubtay, isla markaana ka sarreysa xukuumad ama xisbi siyaasadeed gaar ah,” isagoo carrabka ku adkeeyay in arintani ay tahay mudnaan qaran oo wadajir ah.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Itoobiyaanku gudaha iyo dibadda, oo ay wehliyaan safaaradaha Itoobiya, ay si firfircoon uga shaqeynayaan horumarinta helitaanka marin badeed, isla markaana hawlaha diblomaasiyadeed ee hadda socda ay muujinayaan “astaamo dhiirrigelin leh.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu u mahadceliyay muwaadiniinta u ololeeya helitaanka marin badeed iyada oo loo marayo warbaahinta, xitaa iyada oo aan taageero toos ah ka helin dowladda, isagoo tilmaamay in ka-qaybgalka dadweynaha uu yahay “muhiim si loo ilaaliyo danaha qaranka.”

Horraantii bishii November 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedion Timotheos ayaa sidoo kale xaqiijiyay in helitaanka marin ammaan ah oo ku yaal dekedda Assab ay weli tahay mudnaan istiraatijiyadeed oo qaran.