Wararka Somaliland oo u yeertay Wakiilkeeda u joogga Jabuuti.

5

Somaliland ayaa sheegtay in ay u yeeratay wakiilkeedii u joogya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay baahisay ku sheegtay in wakiilka u jooga Jabuuti loogu yeeary wadatashi salka ku haya xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland dhawaan.

Somaliland faahfaahin intaa dheer kama bixin, hase yeeshee waxaa ay tallaabadani ku soo aadaysaa iyadoo Jabuuti ka mid noqtay dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.

Wakiilka Somaliland u jooga Jabuuti waa Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse oo horey sidoo kale u soo qabtay xilal wasiirnimo.