Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka, adkaynta amniga goobaha loo asteeyay in doorashadu ka dhacdo, iyo xoojinta isku-duwidda hay’adaha amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu helaan doorasho ku dhacda jawi nabdoon, xasilloon, isla markaana amni buuxa leh.

9

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa bilaabay isticmaalka qalabka casriga ah ee GPS-ka, oo u fududeynaya inay si joogto ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee maraya Badweynta Hindiya, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo ammaanka xeebaha dalka.

Ku-xigeenka Agaasimaha Sirdoonka ee Ciidanka Booliska Badda Puntland, Maxamed Muuse Cabulle, ayaa sheegay in qalabkan iyo hub kale ay burcad-badeeddu ka heleen Xuuthiyiinta Yemen, isagoo xusay in tiknoolajiyaddan cusub ay si weyn u fududeysay qorsheynta weerarro ka dhaca meelo ka fog xeebaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin Mareykan ah iyo kuwo gobolka ka tirsan ayaa sheegay in burcad-badeedda aysan si gooni ah u shaqeyn, balse ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, iyo sidoo kale kooxo xagjir ah oo ka howlgala Geeska Afrika. Iskaashigan ayaa la rumeysan yahay inuu kordhiyay awoodda iyo baaxadda weerarrada badda.

Sida ay sheegeen hay’adaha amniga, qaar ka mid ah burcad-badeedda ayaa la rumeysan yahay inay tababarro ku qaateen gudaha Yemen, taasoo sare u qaadday xirfaddooda militari iyo khatarta ay ku hayaan marin-biyoodka caalamiga ah.

12-kii Diseembar, Ciidanka Booliska Badda Puntland ayaa sheegay inay qabteen doon yar oo lagu tuhunsanaa inay waday kiimikooyin loo adeegsado samaynta walxaha qarxa. Doontaasi waxaa saarnaa muwaadiniin Soomaali iyo Yemeni ah, kuwaas oo la xiray si baaritaan loogu sameeyo.

Dib usoo noqoshada burcad-badeedda Soomaaliyeed ayaa loo arkaa inay qayb ka tahay amni darada bada cas, iyadoo Xuutiyiintu lagu eedeeyay inay isku dayayaan inay saameyntooda ku fidiyaan Geeska qaaradda Afrika.

Bishii December 2023, burcad-badeed Soomaali ah ayaa qabsaday markab ganacsi, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee dhacdo noocaas ah ay dhacdo tan iyo 2017. Weerarkaasi wuxuu ku soo beegmay xilli ay Xuutiyiintu bilaabeen weerarro ka dhan ah maraakiibta mara Badda Cas.