War ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu beeniyay warar ku aadan jiritaanka heshiis qarsoodi ah oo horay loo baahiyay inay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Swedan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in aysan waxba kajirin wararka la xiriirka in heshiis qarsoodi oo dhaqaale lagu siinayo dowladda islamarkaana ay xukuumadda Soomaaliya ku bedalaneyso in lasoo celiyo muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden
Waxba kama jiraan wararkaas majiro heshiis dowladda ay la gashay Sweden,dhaqaalaha la siiyo dowladda wuxuu soo maraa hay’adaha qaramada midoobay majiro dhaqaale toos ah oo kudhaca qasnadda dowladda”ayaa lagu yiri qoraal ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay xafiiska R/wasaare Xamse Cabdi Barre.











