Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kala saxiixday hagaha hirgelinta Qorshaha 2025 ee Ilaalinta Carruurta ay saameeyeen Colaadaha

1

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Road Map ka ee 2025, kaas oo lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubeysan.

Hagahan ayaa waxaa wada saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Latouff.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadan ay muujinayso horumar la taaban karo oo ay Soomaaliya ka sameysay dib-u-habaynta qaranka, isla markaana ay xoojinayso isla-xisaabtanka hay’adaha ammaanka, gaar ahaan kuwa ku lugta leh ilaalinta xuquuqda carruurta xilliyada colaadaha.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa salka ku haya guulo la gaaray sannadihii u dambeeyay, wuxuuna caddeyn u yahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay u hoggaansanto waajibaadkeeda caalamiga ah, ka hortagto xadgudubyada culus ee lagula kaco carruurta, isla markaana ay si dhow ula shaqeyso bah-wadaagta caalamiga ah si loo helo ilaalin waarta iyo xasillooni muddo dheer ah.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga Wasiirrada Isku-dhafka ah ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan (CAAC), kuwaas oo ka kala socday Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in hirgelinta hagahan ay door muhiim ah ka qaadan doonto yareynta dhibaatada colaadaha ku haya carruurta Soomaaliyeed, isla markaana ay gacan ka geysan doonto dhismaha mustaqbal nabdoon oo waara.