Odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay si buuxda masuuliyadda amniga ugu wareejiyeen ciidanka booliiska, kaddib maalmo ay magaalada Borama ka socdeen mudaharaadyo ay dhallinyaro careysan sameeyeen.
Sultan Dhawal, oo la hadlay warbaahinta kaddib kulan ay yeesheen odayaasha, ayaa sheegay in lagu heshiiyey in ciidammada ammaanku ay dib ula wareegaan sugidda nabadgelyada magaalada.
“Waxaan ognahay in horay aan amar ugu bixinay in dhammaan ciidammadu ka baxaan magaalada, oo ay ku jireen booliis iyo milatari. Amarkaas waa la fuliyey. Maanta se waxaan faraynaa in ay dib ugu laabtaan xarumahooda si ay u ilaaliyaan magaalada. Cid ka hor istaageysa ma jirto,” ayuu yiri Sultan Dhawal.
Odayaasha ayaa sheegay in dib u soo celinta amniga ay tahay dan guud oo ay wada leeyihiin shacabka Borama, iyagoo xusay in intii ay socdeen rabshadaha ay dhallinyaro qaarkood ku kaceen falal dambiyeed, oo ay ka mid yihiin handadaad iyo lacago si qasab ah looga qaato dadweynaha.
“Waxaan leenahay dhallinyarada: la shaqeeya ciidammada ammaanka. Danta, horumarka iyo badbaadadeennu waxay ku xiran tahay wada-shaqeyn,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.
Odayaasha ayaa sidoo kale faray askar cabasho muujinaysay in ay dib ugu laabtaan xeryahooda iyo cutubyadooda, iyagoo ku baaqay in kooxaha hubeysan ee ku dhow magaalada ay u soo baxaan wadahadal.
Dhanka kale, odayaal ka yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa soo gaaray Somaliland, si ay uga qeyb qaataan dhexdhexaadinta beelaha ku muransan arrimaha la xiriira buugga Xeer Ciise iyo muranka lahaanshaha magaalada Saylac.











