Trump: Ilhan Cumar waxay ka timid dal ku jira xaaladda ugu liidata adduunka

3

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo kulul ka jeediyay dadka tahriibayaasha Soomaaliyeed iyo xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulan diiradda lagu saarayay hoos u dhigista kharashaadka nolosha ee dadka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer si gaar ah u bartilmaameedsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Minnesota, kadib warar sheegayay in qaar ka mid ah bulshadaasi lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo ka dhacday gobolkaas.

Isagoo ka hadlayay Ilhaan Cumar ayuu yiri,” wax badan ma qabato, mar walba cabasho ayay la taagan tahay. Waxay ka timid dal ku jira xaaladda ugu liidata adduunka,” ayuu yiri Trump, iyadoo dadkii hoolka joogay ay taageero iyo qosol u muujiyeen.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu xilligii madaxtinimadiisii hore hakad geliyay socdaalka ka imanayay dalal uu ku tilmaamay meelaha ay colaadaha iyo amni darridu ka jiraan, sida Afghanistan, Haiti, Soomaaliya iyo kuwo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa sheegtay in maamulka uu qorsheynayo ballaarinta mamnuucidda socdaalka, taasoo gaari karta in ka badan 30 dal, kaddib dhacdada toogashada.

Maamulka Trump horey ayuu u mamnuucay socdaalka ka imanaya 19 dal oo uu ku tilmaamay khatar amni iyo mid badbaado dadweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Afghanistan, Burundi, Chad, Cuba, Jamhuuriyadda Kongo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Laos, Libya, Myanmar, Sierra Leone, Soomaaliya, Sudan, Togo, Turkmenistan, Venezuela iyo Yemen.