Prof. Xasan Keynaan oo sheegay in hoos u dhac ku yimid hab-maamulkii dalka Soomaaliya

0

Prof. Xasan Keynaan ayaa ka digay in dalka uu galay marxalad adag oo dhanka hab-maamulka ah, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu hoos u dhigay madaxbannaanida hay’adaha sharci-dejinta, gaar ahaan baarlamaanka Federaalka.

Isagoo ka hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka, Prof. Keynaan wuxuu sheegay in baarlamaanku uusan hadda u muuqan mid madaxbannaan oo guta waajibaadkiisa dastuuriga ah, arrintaasna uu ku tilmaamay mid dhaawac ku ah nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

“Ma jiro maanta baarlamaan si xor ah u shaqeynaya, taasina waa mid ka hor imaaneysa dastuurka iyo hab-raaca siyaasadda dalka,” ayuu yiri Prof. Xasan Keynaan.

Wuxuu sheegay in dowlad aan lahayn hay’ado isku dheeli tiran aysan si wanaagsan u shaqeyn karin, isagoo caddeeyay in faragelinta hay’adaha madaxa bannaan ay horseedi karto xasarad siyaasadeed iyo jahawareer ku yimaada hannaanka dowlad-dhiska.

Prof. Keynaan ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda inay dib u soo celiyaan kala madax-bannaanida hay’adaha qaranka, si looga hortago khilaaf siyaasadeed oo sii laba-kaclaya iyo kalsooni darro ku dhacda hay’adaha dowladda.

Hadalka Prof. Xasan Keynaan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo dhaliisha siyaasadeed ee loo jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dowladdiisa ay ka harsan tahay muddo kooban, halka mucaaradku ku eedeeynayaan in ay wiiqday hanaankii dowladnimada iyo shaqadii baarlamaanka.