Sacuudiga oo ku dhawaaqay gargaar loogu talagalay 100,000 qof oo abaaraha ku wajahaya Soomaaliya

3

Xafiiska Afrika ee Machadka Boqor Salmaan ee Gargaarka Bani’aadantinimada iyo Samafalka (KSrelief) ayaa ku dhawaaqay gargaar degdeg ah oo lagu caawinayo ku dhowaad 100,000 oo qof oo ka mid ah kuwa ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha ka sii daraya ee Soomaaliya.

Ballanqaadkan ayaa Axaddii lagu shaaciyay magaalada Muqdisho, kadib kulan uu Yazeed Cabdullaahi Xamuud, Agaasimaha Gobolka Afrika ee KSrelief, la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle.

Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ee sii xumaadaysa, iyo sida ugu habboon ee loo dardar-gelin karo gaarsiinta gargaar degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka ay saamayntu ku daran tahay.

Yazeed ayaa xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dalkiisu uu ka go’an yahay bixinta taageero joogto ah xilliyada ay Soomaaliya wajahdo xaaladaha bani’aadantinimo ee adag.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku tilmaamay mid si degdeg ah uga jawaabtay baaqa Soomaaliya, isla markaana muddo dheer u taagnaa taageerada gargaarka bani’aadantinimo. Wuxuu sheegay in gargaarkani uu si weyn u xoojin doono dadaallada socda ee lagu caawinayo qoysaska ay abaartu ku dhufatay.

Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa abaar si xowli ah u sii baahaysa, iyadoo roob la’aan afar xilli oo xiriir ah keentay inay malaayiin qof galaan xaalad macluul iyo barakac ah, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

Dowladda Federaalka ayaa 10-kii Nofeembar ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo abaar, waxayna caalamka ka codsatay gargaar degdeg ah maadaama xaaladdu ay si daran uga taagan tahay gobollada waqooyi, bartamaha iyo koonfurta dalka, sida ku cad xogta OCHA.