Haweenka Deegaanka Soomaalida oo Wajahaya Nooc Cusub oo Tacadiyo ah

2

Haweenka iyo hablaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa wajahaya nooc cusub oo tacadiyo ah, kuwaas oo ay horseedeen aaladaha dhijitaalka ah, sida in lagu rakaateeyo muuqaallo laga duubay.

Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Dumarka ee Xafiiska Haweenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Suhuura Xasan Cumar, oo waraysi gaar ah siisay BBC Somali, ayaa ka warbixisay dambiyada loo adeegsado aaladaha casriga ah ee haweenka iyo hablaha lagu beegsado.

“Way jiraan kiisaskan, hadda ma badna, laakiin hordhac way jiraan. Hadda kiis la xukumay ayaa jira oo 7 sano iyo dhowr bilood lagu xukumay, kaasoo khuseeya fiidiyow laga duubay gabdho; kuwa kale oo sidan oo kale u socda oo nidaamka ku jira way jiraan,” ayay tidhi Suhuur.

Waxay sheegtay in wali bulshadu aanay si weyn ugu baraarugsanayn khatarta baraha bulshada iyo telefoonada casriga ah, kuwaas oo laga yaabo in lagu rakaateeyo muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay, ama sawirro gaar kuu ah oo si aan ku talo-gal ahayn u baxa.

“Tusaale ahaan, gabadh ayaa xidhiidh lala samaynayaa; marka uu waqti socdo waxa aad arkaysaa gabadhii oo fiidiyowyo iyo sawirro laga codsanayo, waxaana dhici karta in lagu rakaateeyo,” ayay Suhuur hadalkeeda ku dartay.

Waxay sheegtay in hablaha dacwadaha furta ee isdifaaca ay weli aad u yar yihiin Deegaanka Soomaalida, balse ay jiraan hablo aad u badan oo sawirro iyo muuqaallo khaas ah laga hayo oo lagu rakaateeyo, kuwaas oo albaabada gadaashooda ku dhibaataysan.

Waxay intaas ku dartay in maalmihii u dambeeyay, oo lagu jiro 16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Ka Dhanka ah Haweenka iyo Hablaha, ay xafiisku qaadayeen tallaabooyin wacyigelin bulsho ah oo ku saabsan tacadiyada loo adeegsado telefoonada, isla markaana ay si gaar ah ula kulmayaan qaybaha bulshada ee kala duwan.

16-ka Cisho ee u Dhaqdhaqaaqa Tacadiyada Jinsiga Ku Salaysan, oo sannadkasta la xuso inta u dhaxaysa 25-ka November ilaa 10-ka December, ayaa adduunka oo dhan looga guntadaa sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Halku-dhigga sannadkan wuxuu yahay: “Aynu u midoowno sidii loo cidhibtiri lahaa tacadiyada loo adeegsado aaladaha dhijitaalka ah ee ka dhanka ah haweenka iyo hablaha.”