Dowladda Spain oo Howlgalka AUSSOM ugu deeqay hal mliyan oo Yuuro ah

2

Dowladda Spain ayaa ansixisay hal milyan oo euro oo ah deeq ah oo loo dirayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), intii lagu guda jiray kulanka Golaha Wasiirrada.

Dowladda Spain ayaa sheegtay in lacagtani lagama maarmaan tahay, maaddaama xasillooni darrada Soomaaliya ay khatar ku noqon karto Geeska Afrika oo dhan, isla markaana ay xiriir la yeelan karto dhibaatooyinka ka taagan gobolka Sahel, oo ah meel muhiimad gaar ah ugu leh Spain iyada oo qayb ka ah istaraatiijiyadda Spain–Afrika 2025–2028.

Dowladda Spain ayaa intaas ku dartay in hawlgalka AUSSOM uu wajahayo xannibaad dhaqaale, halka taageerada Spain ay ka hortagi doonto suurtagalnimada in hawlgalku istaago oo uu lumiyo awoodda uu ku shaqeynayo.

Sida ay sheegtay La Moncloa, deeqdan ayaa gacan ka geysan doonta xoojinta qaab-dhismeedka amniga Afrika, dedejinta dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo mid ah oo xasilloon, iyo hubinta in AUSSOM ay sii waddo howlgalkeeda iyadoo ay jiraan caqabado amni oo weli xooggan.

Taageerada loo fidiyay Soomaaliya ma aha tan keliya ee dowladda Spain ansixisay. Golaha Wasiirradu wuxuu sidoo kale oggolaaday deeqo cusub oo loo dirayo hay’ado hoos yimaada Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (OCDE), si loo taageero barnaamijyada horumarinta caalamiga ah.

Taageerada dhaqaale ee Dowladda Spain ayaa kusoo aadaysa xilli hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo dhaqaale xumo culus oo khatar gelinaysa awooddiisa fulinta hawlgallada amniga ee dalka. Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed, hawlgalku wuxuu wajahayaa hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelintii ay bixiyeen dalalka taageera, taas oo sababtay in qaar ka mid ah howlaha muhiimka ah ay istaagaan ama dib u dhacaan.

Howlgalka AUSSOM ayaa ka digay in haddii dhaqaalaha uu sii yaraado, hawlgalku uusan awoodi doonin inuu sii wado hawlaha lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha hubeysan.