Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalay Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech, Morocco.
Intii uu socday shirkan, Wasiir Fartaag ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska (Interpol), Mudane Axmed Naasir, halkaasoo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Interpol.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha soo socda:
• La dagaallanka dambiyada abaabulan
• Ka hortagga argagixisada
• Is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah
• Tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed
Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah.
Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee amniga, waxaana uu ballan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.
Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol ayaa ah mid ka mid ah madalaha ugu muhiimsan ee looga arrinsado amniga caalamiga ah, waxaana Soomaaliya ay ku yeelatay kaalin muuqata iyo dood wax-ku-ool a











