Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Marooko u duulay si uu uga qeyb galo Madasha MEdays

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u duulay dalka Marooko, si uu uga qeyb galo Madasha sanadlaha ah ee MEdays, oo sanadkan si weyn loo ballaariyay.

Madashan oo ay ka soo qeybgalayaan wufuud ka kala socota 120 dal, islamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu wadaa inuu ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladda ee amniga, dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Shirka oo gaaraya sanadkii 17-aad ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa isbeddellada siyaasadeed ee caalamka, arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo sidii loo xoojin lahaa isdhexgalka dalalka adduunka, iyadoo Soomaaliya ay doonayso in ay xoojiso kaalinteeda diblomaasiyadeed ee gobolka iyo caalamkaba.