Fahad Yaasiin, oo muddooyinkii dambe si weyn uga hadli jiray arrimaha siyaasadda dalka, ayaa ka falceliyay hadal uu shalay jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse, kaas oo uu ku su’aalay sababta kacaankii dalka u yeelan waayay dhammaad hagaagsan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa furitaankii Shirka 2aad ee NIRA si weyn ugu dhaliilay nidaamkii kacaanka dalka, inkastoo markii dambe kusoo gabagabeeyay in kacaankii Dowladdi dhexe ee Soomaaliya waxa yar ee laga dhaxlay mudantahay in Soomaalidu ilaashadaan.
Fahad ayaa sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaruhu uu mudan yahay in la xusuusiyo mas’uuliyadda ka saaran sidii uu isagu u yeelan lahaa “khaatumo wanaagsan.”
Qoraalkiisa, Fahad Yaasiin wuxuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse ay u bannaan yihiin saddex waddo oo kaliya oo mustaqbalkiisu ku xirnaan doono, waxaana mida kowaad uu ku sheegay Inuu Madaxweynaha, Xasan Sheekh Maxamuud, gacanta ka qabto oo uu keeno gogol heshiis qaran oo loo dhan yahay.
Fahad ayaa ku tilmaamay tan waddada keliya ee sharaf loo arki karo haddii Ra’iisul Wasaare Xamse uu hormuud ka noqdo xal lagu mideeyo dhinacyada siyaasadda isku haya.
Qodobka labaad waxa uu ku xusay Inuu xilka iska casilo haddii uusan awoodin inuu dalka badbaadadiisa dammaanad ka bixiyo, Isagoo arrintan ka hadlaya ayuu xusay in iscasilaad sharaf leh ay ilaalin karto magaca Ra’iisul Wasaaraha, maaddaama uu durba noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee xilligii Carta kadib.
Ugu dambeyn, Fahad wuxuu uga digay Xamse in waddadan ugu dambeysa ay ka dhigan tahay inuu dalka u horseedo xaalad burbur siyaasadeed, taas oo ugu dambeyntii u keeni karta in Madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxiisa isku furto sida uu hadalka u dhigay xitaa haddii ay muddo kooban uga harto xilkiisa.











