Baarlamaanka Soomaaliya oo Soo Afjaray Turxaan-bixinta Miisaaniyadda 2024

2

Guddiyada Miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay akhrinta iyo turxaan-bixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024, kaddib kulan wadajir ah oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare.

Kulanka ayaa lagu martiqaaday Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Xaange, kaas oo guddiyadu weydiiyeen su’aalo dheeraad ah oo la xiriira sugnaanta iyo caddeynta xisaab-xirka miisaaniyadda, gaar ahaan meelaha mugdiga laga muujiyay iyo hannaanka kala wareejinta maamulka maaliyadeed ee sannadka 2024.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii iyo tabashooyinkii ay soo jeediyeen xubnaha guddiyada, iyagoo sharaxaad ka bixiyay habraacyadii loo maray diyaarinta iyo xaqiijinta xogta xisaab-xirka.

Kulanka oo ay guddoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda sida hufnaanta leh ee ay uga jawaabtay su’aalihii guddiyada.

Guddiyada Maaliyadda labada Aqal ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay dhameystireen akhrinta saddexaad ee warbixinta xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024, taas oo la filayo in dhawaan loo gudbiyo labada Gole ee Baarlamaanka si ay u meel-mariyaan.