Dowladda UK ayaa sheegtay dadka haysta dhalashada dalkeeda marka ay u safrayaan Soomaaliya in ay haystaan E-visaha. Dadka ayaa loo sheegay in ay qasab tahay in ay haystaan dalku galka elektaronikada ah marka ay u safryaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay UK sheegtay in looga baahan yahay dal ku gal dadka aadaya magaalada Hargeysa.
“Waxaa lagu weydiin karaa in aad haysato dal ku gal xitaa hadDii aad Hargeysa u safreyso si aad diyaarada u raacdo, marka aad tagto Hargeyso fiisahaas looma tixgelinayo mid sax ah”.
Marka aad Hargeysa gaarto waxaad iibsaneysaa Fiiso aad ku gasho Hargeysa kaas oo ku ego muddo bil ah.
Arrintan ayaa u muuqata in qof kasta ee ka baxaya UK ee tagaya meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya in looga baahan yahay Fiiso xitaa hadii uu qofka u safrayo Somaliland.











