Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta guddoomiyay kulan amni oo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka qayb galeen Taliyaha Qaybta 3-aad ee Hawlgalka AUSSOM, Jeneraal Teklu Hurisa Janka, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee Koonfur Galbeed, dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo kor u qaadidda isku-duwidda hay’adaha amniga si loo hubiyo badqabka shacabka.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku ammaanay AUSSOM, ciidamada Itoobiya ee ENDF, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa amniga Koonfur Galbeed sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gobolka. Waxa uu ku boorriyay ciidamada iyo hay’adaha kale ee amniga inay sii wadaan feejignaanta iyo iskaashiga lagu sugayo nabadgelyada.
Mas’uuliyiinta ayaa ku heshiiyay in la kordhiyo wada-shaqeynta iyo howlgalada la qorsheeyay si looga hortago khataraha amni ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed.











