Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in barnaamijka E-Visa uu door muhiim ah ka qaatay xakameynta iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqa xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Calmiskaad ee Puntland.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii la daah furay nidaamka E-Visa, uusan jirin hal qof oo katirsan Daacish oo isticmaala diyaarad si uu ugu soo gudbo buuraha Calmiskaad. Waxa uu xusay in sannadihii hore la qabtay basaabooro badan oo ajaanib u badan Carab, kuwaas oo lagu tuhmayay inay ku biirayaan ama u socdaan kooxda Daacish, islamarkaana dhamaantood ay ku yimaadeen garoomada diyaaradaha ee Puntland iyo Somaliland.
Buuraha Puntland, baasabooro badan oo ajnabi carab ah u badan oo laga qabtay Daacish, kuligood waxay ku yimaadeen diyaaradaha ka dega Puntland iyo Somaliland, Hadda waa yaraatay, hal qof oo argagixiso ah oo diyaarad soo raacay ma jiro intii la hirgaliyay E-visa, Daacish waa u dhammaatay,” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada E-Visa aysan ahayn in lagu adkeeyo socdaalka dadka ka soo degaya Puntland iyo Somaliland, balse ay tahay in si sax ah loo ogaado qof kasta oo soo galaya gudaha dalka, taas oo qeyb ka ah dadaallada amniga lagu xaqiijinayo ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn ay u diidan yihiin Somaliland iyo Puntland nidaamka ay dowladda hirgalisay ee E-visa kaas oo siyaabo kala duwan ay warbaahinta ugu sheegeen inaysan u hogaansami doonin nidaamkaasi.











