Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa Sabtidii si kulul u cambaareeyay tallaabo uu qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux (Nuux Dheere), kaddib markii uu shaqada ka joojiyay lix agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaaradda.
Ururka ayaa ku eedeeyay wasiirka inuu xilalka ka qaaday agaasimayaasha si aan waafaqsanayn nidaamka iyo shuruucda shaqada dowladda, isla markaana uu boosaskooda ku beddelay shaqsiyaad lagu sheegay inay yihiin dad ku abtirsada beel gaar ah.
Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho, masuuliyiinta ururka ayaa tilmaamay in tallaabada uu qaaday wasiirku ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana ay dhaawaceyso kalsoonida shaqaalaha iyo cadaaladda maamulka ee hay’adaha dowliga ah.
Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inuu arrintan si degdeg ah u farageliyo, si loo hubiyo in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo sharciga maamulka guud ee dowladda.
Ilaa hadda, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xildhibaan Nuux Dheere kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay ama sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay xil ka qaadista lixda agaasime.











