Somaliland oo Mamnuucday eVisa-da Soomaaliya, Sheegtayna in ay Iyadu Maamusho Hawadeeda

2
Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in nidaamka dal-ku-galka danabaysan (eVisa) ee ay soo rogtay dowlada Soomaaliya aanay waxba ka khusaynin Somaliland, isla markaana hadda wixii ka dambeeya diyaaradaha isticmaala hawadeedu ay waajib ku tahay inay helaan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha.

Go’aankan ayaa ka soo baxay shir maanta, oo Sabti ah, ay ku yeesheen xarunta wasaaraddaasi masuuliyiinta xukuumada, shirkan oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdllaahi Cirro ayay ujeedadiisu ahayd in lagu falanqeeyay xiisada hawada, iyada oo laga soo saarayo go’aamo ay Somaliland ku xoojinayso doonisteeda in ay si gaar ah u maamulato hawadeeda.

Somaliland ayaa ku adkaysatay in hawada, dhulka iyo badda ku jirta xuduudaheeda ay iyadu leedahay, oggolaanshaha isticmaalkeedana laga heli karo oo keliya wasaaradda duulista. Waxay sheegtay in arrintan ay tahay xaq sharci ah oo waafaqsan xeerarka duulista gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in diyaarad kasta oo aan haysan oggolaanshaha Somaliland aan loo oggolaan doonin inay marto hawadeeda, iyadoo tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa shuruucdaas, laga bilaabo 10-ka November 2025.

Somaliland ayaa si cad u sheegtay in nidaamka eVisa-da ay dhawaan bilowday Soomaaliya aanu khusaynin Somaliland, isla markaana aan lagu soo geli karin. Waxay sheegtay in Somaliland leedahay nidaam socdaal oo u gaar ah, kaas oo dal-ku-galka lagu heli karo marka la yimaaddo Madaarka Cigaal ee Hargeysa ama Madaarka Berbera, iyadoo la raacayo nidaamka Visa on Arrival.

Xukuumada ayaa ugu baaqday hay’adaha duulista caalamiga ah ee ay ka mid yihiin ICAO, IATA, iyo Qaramada Midoobay, inay si dhab ah u eegaan khatarta ay sheegtay in ay ka dhalan karto nidaamka cusub ee maamulka hawada ee ay Soomaaliya soo rogtay, oo ay ku tilmaantay mid “siyaasadaysan”.

Waxay sheegtay in arrintan ay halis amni ku tahay duulimaadyada rakaabka iyo ganacsiga ee mara hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbaday in la fuliyo qodobo dhawr oo ay kamidyihiin in laga hoos saaro maamulka Soomaaliya, iyo in la sameeyo nidaam dhexdhexaad ah oo lagu maamulo hawada.

“Somaliland waxay dalbanaysa in la xaqiijiyo dhex-dhexaadnimada maamulka hawada sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, in laga saaro khaladka Timatic System ee IATA oo madaaradaha Somaliland si qaldan ugu calaamadiyay kuwo hoos yimaada Soomaaliya, in la sameeyo xal sharci ah oo lagu xallinayo khilaafka hawada iyo in ICAO ay sameyso qiimayn madax-bannaan oo ku saabsan maamulka duulista iyo madaaradaha Somaliland.”

Bayaanka lagu soo gabagabeeyay shirkan ayaa lagu sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto difaaca madax-bannaanideeda hawada, iyadoo mudnaanta siinaysa badqabka duulimaadyada iyo xidhiidhka tooska ah ee ay la leedahay hay’adaha duulista rayidka ah ee caalamka.