Ciidamada Midowga Yurub oo Badbaadiyay Markab Shidaal Siday oo Weerar Burcad-Badeed kula Kulmay Badda Soomaaliya

2

Ciidamo badeed ka tirsan Midowga Yurub ayaa gudaha u galay markab Shidaal siday oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo la kulmay weerar ay soo qaadeen burcad-badeed ku sugan meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan 24-kii shaqaale ee markabka saarnaa ay badqabeen, kaddib markii ay isku xireen qol amni ah oo markabka ku dhexyaalla inta uu weerarku socday.

Markabka Hellas Aphrodite oo calanka Malta sida ayaa siday shixnad shidaal ah oo ka timid Hindiya kuna wajahneyd Koonfur Afrika.

Weerarka ayaa dhacay Khamiistii, waxaana burcad-badeedku adeegsadeen qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha yaryar, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badda ee Diablos Group.

Badbaadinta markabka waxaa fulisay markab dagaal oo Isbaanish ah oo lagu magacaabo ESPS Victoria, kaas oo ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee Operation Atalanta ee lagula dagaallamo burcad-badeedda Geeska Afrika.

Ciidamo gaar ah oo saarnaa Victoria ayaa dusha u fuulay markabka la afduubtay, halkaasna ay kasoo badbaadiyeen shaqaalaha oo dhan.

Sida laga soo xigtay xogta la socodka maraakiibta, Hellas Aphrodite ayaa ku sugnaa meel 1000 km (620 mayl) u jirta xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan ayaa yimid maalmo uun kaddib markii markab kale oo saliid siday, Stolt Sagaland, uu isna la kulmay weerar la tuhunsan yahay in ay fuliyeen isla koox burcad-badeed ah oo ka hawlgasha badaha Soomaaliya.