Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira ee dalka Masaarida ayaa sheegay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiisadda badda Cas iyo amniga gobolka Geeska Afrika.
Waraysi qaatay in ka badan 20 daqiiqo ayaa madaxweynaha keliya ee ay Eriteriya weligeed yeelatay tan iyo markii ay xornimad aka qaadatay Itoobiya waxa lagu weyddiiyay arrimaha Badda Cas ee in muddo ah ay hadal-hayntoodu taagnayd.
Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dalalkaas aanay ahayn kuwo gudaha ka socda oo keliya, balse ay yihiin kuwo goboleed iyo xitaa qaar caalami ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay xaaladda gobolka Geeska Afrika, si gaar ah, xaaladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.
“Soomaaliya waa dal leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 3,300 kiiloomitir, waxaana xeebtaas dheer oo ah goob istaraatiiji ah ay dalka ka dhigtay mid aan xasilloonayn,” ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in dhibaatada Soomaaliya aanay ahayn mid gudaha ah oo keliya ka abuurantay, bal se ay tahay arrin goboleed iyo mid caalami ah.
“Kala duwanaanshaha qowmiyadeed ee aan aragnay 30-kii sano ee la soo dhaafay waa kala qaybsanaan iyo xasillooni darro qowmiyadeed. Suudaanta Koonfureed oo ka go’day Suudaan, waxay noqotay dal ay dagaallo sokeeye burburiyeen oo aan deggeneyn,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Isayaas waxa uu ka warramay in aanu gobolku u baahanayn quwado shisheeye oo faragelin ku sameeya gobolka, bal se ay muhiim tahay in cid kastaa ay awood u yeelato xilka ka saaran ilaalinta xeebaheeda.
“Dalalka gobolka ayaa leh mas’uuliyadda koowaad ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada marin-biyoodkan caalamiga ah. Tani ma aha doorasho u furan dowladda ama wasaaradda difaaca — waa baahi taariikhi ah oo lama huraan ah.











