Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray dad ay xireen ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.
“Waxaan aad u cambaareynayaa islamarkaana aan sinnaba loo aqbali karin afduubka ka baxsan sharciga iyo dowladnimada ee hay’addaha ammaanka dowladu ay u gaysteen xubno ka mid ah waxgaradka iyo haldoorka bulshada caasimadda oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsade Cali Xaaji iimaan iyo sidoo kale Gacansade Cabdulqaadir Maxamud Cilmi (bulaale).”Ayuu yiri Sheekh Shariif.
Falkaan afduubka ah wuxuu waji gabax iyo ceeb ku yahay cid kasta oo soo abaabushay wuxuuna dhaawacayaa xasilloonida, amniga iyo kalsoonida bulshada ay ku qabi karto xukuumadda Federaalka ah oo markaan u soo dhar dhigatay, una bareertay ku xadgudubka karaamada shacabka iyo masuuliyiinta.
Waa in si deg-deg ah xoriyaddooda loo siiyo masuuliyiinta la afduubay waxaana Ciidamada ammaanka ku boorrinayaa inay ka fogaadaan in loo adeegsado danno siyaasadeed oo gurracan iyo cabburinta bulshada caasimadda taasoo hadda u muuqata inay xaduuda sharciga ah dhaaftay